Wareysiyada lagula yeelanaayo marka aad timaado ka dib

Dariiqa aad soo martay iyo da’ daada

Wareysiga ka hor Booliiska ayaa kaa qaadaayo sawirkaaga, iyo 10 kaaga farood. Ha ka cabsan.

Faraha lagaa qaaday waxaa la gelinayaa kumbuyuutarka. Magacaaga waa la bedeli karaa, hase ahaatee, faraha lama beddeli karo. Dhamaan saldhigyada boliiska ee Yurub way wada shaqeeyaan. Adiga Farahaaga iyo faraha Kumbuyuuterka ku jira ayaa la is barbar dhigi doonaa hadad faro meelkale ku leedahay. Boolisku way arki karaan isla markiiba haddii qofku ka diiwaangareysan yahay Wadan kale. Waana nidaamka Dublin loo yaqaano.

Tus waraaqahaga booliska, tusaale ahaan: Baasaboor, warbixino caafimaad, haddii ay jiraan, shahaadooyin waxbarasho, Sawirro. Booliiska ayaa u baahan macluumaadkaas si loo xaqiijiyo.

Boolisku wuxuu ku weydiin doonaan su’aalo badan oo ku saabsan dhowr mowduucyo, tusaale ahaan:

  • Gobolkaada/wadan kaada
  • Familigaaga/qaraabo
  • Dhalashada/Da’da
  • Jidka/Safarka/Wadamada

Haddii ay jiraan wax macluumaad ah oo aad heshey? Yaad ka heshay? Tusaale ahaan, qofka ku keenay Austria, miyaa kaaga waramay? Macluumaadkaas inta badan waa khald. Fadlan u sheeg booliska sheekadaada oo run ah.

Ka Jawaab dhamaan su’aalaha ilaa inta aad ka ogtahay. Haddii aad aqoon jawaabta? Waxaad ku jawaabi kartaa: “Anigu garan maayo”. U sheeg dhamaan macluumaadka aad hubtid. Fadlan u sheeg runta oo kaliya.

Waa maxay ganacsiga dadka? Waa maxay ka ganacsiga Caruurtu? Dadka qaarkood, carruurta iyo dhallinyarada waxay Austria yimaadaan keligood. Carruurtan iyo dhalinyarada lagu khasbo in ay shaqeeyaan, tuuganimo, ama inay Tuugsadaan ama Jirkooda ka ganacsadaan. Kaganacsiga carruurta waa mamnuuc, Shaqada caruurta waa mamnuuc, Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada waxaa ilaaliya sharciga, Fadlan sheeg haddii lagugu qasbo in aad shaqayso Fadlan sheeg, haddii aad ogtahay caruur lagu qasbay in ay shaqeeyaan. Fadlan caawi oo u soo sheeg Booliska si uu u badbaadiyo carruurta iyo dhallinyarada.

Dhamaadka waraysiga turjumaanka ayaa akhrin doono protokolka qoran si dhawaaq sare ah. Turjumaanka ayaa kuu akhriyaya diiwaanka waraysiga, si fiican u dhageyso.

Wax kasta oo ku qoran protokolka wuxuu la mid yahay sidii aad wax u sheegtay. Saxiix oo keliya marka wax waliba ay yihiin sida aad u sheegtay. Ka dib Waxaad galeysaa wareysi kale, wareysiyada oo dhan waa la is barbar dhigi doonaa.

Waxaa suurto gal ah in aad hesho koobi ka mid ah protokolka, weydiiso koobiga protokolka.

Wareysi kale aad ku leedahay Traiskirchen

Mararka qaarkood waxaad heli ballan Labaad dhagaysi wareysi oo ay kuu soo dirayaan Maxkamda Hay’ada Qoxootiga. Marka aad tagto ballanta oo Traiskirchen ku ladahy tag kuriga Nambarka 17 qolka sugitaanka. Qolka sugitaanka ee meesha ku yaalla ku sug. Fadlan sug. Qof ayaa kuu imaan doonaa oo ku kaxinaya waraysiga.

Waraysiga wuxuu ku saabsan yahay qodobo muhiim ah: Jidka aad soo martay, iyo da’daada. Fadlan waxoo dhan sax u sheeg.

Haddii aad u baahato in aad wax cabto? Ama in aad nasato? Sheeg fadlan!

Hadii uu xanuun ku hayo? Sheeg fadlan!

Qasab miyaa inaan ku hadlo afkaa Garmanka?

Waxaad ku hadli kartaa luuqadaada, inta lagu guda jiro waraysiga oo dhan waxa kula jooga turjumaan oo kuugula hadlaya afkaaga, iyo af Garmanka, isagu wuxuu tarjumayaa waxa aad ku sheegto luqadaada si sax ah. Sidoo kale wuxuu si sax ah kuugu sheegayaa waxii qofka waraysiga kaa qaadayaa ku weyddiiyay.

Turjumaanku wuxu masuul ka yahay tarjumaadda oo kaliya, waxuu ihyn Qadhi oo kuma laha go’aanka. Lama ogola turjumaanka in uu muujiyo fekerkiisa.

Turjumaanku waa in u ahaado dhex-dhexaad. Turjumaanku lama ogola in uu sheegu macluumaadka. Haddii aadan si fiican u fahmin turjumaanka? Fadlan sheeg isla markiiba. Wax dhib ah kaama soo gaaraayo.