Imaanshaha Austria

Qofkasta oo ka codsada magangalyo Austria waxa lagayn doonaa meel ammaan ah. Waxa jira meelo ammaan ah oo ka tirsan Gobolada Austria. Meelahaa waxa loogu yeedhaa “xarumaha qaybinta” miyay da’daadu ka yartahay 18 jir?Markaa waxa lagu gayn doonaa meel ammaan ah. Xafiiska xarunta qaabilaada hore ee bariga oo uu magaciisa rasmiga ahi yahay xerada Tarasiikhan/”Traiskirchen”. Qaybaha kale ee Austria waxa kale oo “jira xarumo gaar ah” oo loogu talagalay carruurta iyo dhalinyara yar yar.

Xarunta warbixinta

Xaggee ayaad ku nooshahay? Ma waxa aad ku jirtaa xerada Tarasiikhan? Marka “meesha warbixinta” gudaha xarunta soo dhawaynta hore waxa aad ka heli kartaa xog dheeraad ah. Halkaa waxaad ku arki doontaa sidoo kale khariidad kuu tilmaamaysa xarunta qaabilaadda hore/”Initial Reception Centre East”.

Infopoint Traiskirchen

Kaarka aqoonsiga

Marka aad timaaddo waxa aad helaysaa aqoonsi/kaarka codsiga isdiiwaan galinta. Kaadhkaaga aqoonsiga waa muhiim. Waa in aad markasta kaadhkaaga sidatid. Haddii booliisku ku waydiiyo kaarka, tus booliiska.

Kaarka cagaaran:
Infopoint Traiskirchen

Nidaamka magabgalyo wuu kuu bilaabanayaa. Halkee ayaad degantahay? Ma waxaad ku sugantahay xerada Tarasiikhan? Waxa aad ku noolaan kartaa xarunta qaabilaadda hore ee Tarasiikhan? Xarunta qaabilaadda Traiskirchen. Waxa aad booqan kartaa magaalada Tarasiikhan. Laguuma ogola in aad aaddo Fiyena/”Wien”. Ka fiiri khariidadda xuduudaha. Meesha calaamadda oranjiga leh waa (degmada Baden), waad ku safri kartaa agagaarkaas/soonahaas. Haddii aad xadkaa oranjiga ka gudubtid, booliiska ayaa ku ganaaxi doona.

Kaarka caddaan ka ah:
Infopoint Traiskirchen

Nidaamkaaga magan galyo waxa uu ka dhici doonaa Austria. Waxa lagu siin doonaa meel cusub oo aad ku noolaato. Waxa lagayaaba in laguu gudbiyo meelo kale oo Austria ka tirsan, gobol kale oo ka tirsan federalka. Mararka qaarkood waqti ayay qaadataa inta meel kale oo bannaan la helayo.

Qof ka tirsan familigaagu ma ku noolyahay Austria? Fadlan usheeg Xafiiska Socdaalka Ajaanibka iyo Magangalyada.

Booqashada Dakhtarka

Infopoint Traiskirchen

Dakhtarku wuu ku baari doonaa. Waxa uu rabaa in uu ogaado in aad caafimaad qabto. Dakhtarku wuxuu hubin doonaa sanbabadaada. Haddii aad xanuun sanayso, wuxuu ku siin doonaa daawooyin. Waxa kale oo aad heli kartaa tallaal.

Miyaad xanuun sanaysaa? Ma dareensantahay in aad jirrantahay? Fadlan u sheeg dakhtarkaaga sida aad dareemayso.