Protokolka

Wax walba aad sheegtay

Wax kasta oo aad ku sheegtay waraysiga lagaa qaaday, waxaa qori doona waraysi qaadaha. Qoraalkaa waxaa lagu magacaabaa Protokolka. Protokolka waa mid aad muhiim ugu ah go’aan ka gaarida magangelyadda aad codsatay.

Wareysiga markuu dhamaado ka dib ayaa mar labaad laguu akhrin doonaa Protokolka. Turjumaanka ayaa kuugu fasiri doonaa si sax ah waxa ku qoran. Si fiican uu Dhegayso. Waa in dhammaan waxa ku qoran Protokolka sax noqdaan. Wax walba waa inay ugu qornaadaan sidii aad u sheegtay. Haddii aad wax ilowdo? Islamarkiiba u sheeg. Hadii waxa ku qoran Protokolka aanay sax ahayn. Fadlan islamarkiiba sheeg si loo saxo.

Ka dib waa in aad waraaq kasta saxiixdaa. Saxiixaada wuxuu ka dhigan yahay in wax waliba oo Protokolka ay sax yihiin, wax walibana xaqiiqa yihiin. Keliya saxiix marka aad hubto in wax waliba sax yihiin.

Waxaad ka heli kartaa koobi ka mid Protokolka dhammaadka waraysiga. Codso koobi ka mid ah Protokolka!

Wax walba oo aad sheegtay waa la baari doonaa

Hay’ada ajaanibka qoxootiga ayaa hubin doont wax kasta oo aad tidhi. Qofka waraysiga kaa qaadey wuxuu ushaqayn doonaa sidii danbi-baadhe oo kale. Wuxuu akhriyi warbixinno badan oo ku saabsan Wadanka aad ka timiday.

Waxaa Laga yabaa qofka wareysigga kaa qaaday inuu soo baaro wadanka aad sheegatay. Waxaa laga yabaa magaalada aad sheegatay inuu qof kale weydiiyo, iyo weliba haddii ay sheekada aad ka sheekeeysey run tahay, looma gudbin doono magacaaga hay’adaha Dawlada iyo Booliska wadankaaga.
Haddii aadan dooneynin in baaritaan la sameeyo? U sheeg wakiilkaaga sharciga ah iyo Hay’adaajaanibka iyo qoxootiga sababta aadan u dooneeynin.

Wareysi labaad?

Maxkamda Hay’ada quxutiga ayaa gacanta ku haysa Protokolka oo ku saab san wareysigaada. Mararka qaarkood wuxuu ku qasbanaanayaa waraysi qaadahu inuu wax badan kaa ogaado, markaas waxaa laguu soo dirayaa wareysiga labaad.
Wareysigan labaad waa sidii kii hore oo kale wuxuuna u mihiimsan yahay sidii kii hore oo kale. Shuruuduhu waa isku mid.