Wareysi: Sababaha magangelyada

Haddii aad haysato kaarka cad. Isbuuceya ka dib waxaad heli doontaa wareysi ka sucda Maxkamda Hay’ada qooxootiga. Wakiilka sharciga ayaa kuu sheegi doona.

Qofka kaa qaadaya waraysiga ayaa hore u akhriyin waraaqaha oo dhan. Warasi qaaduhu wuxuu u baahan yahay in uu wax kasta ogaado. Wuxuu ku weydiin doonaa su’aalo badan. U sheeg wax kasta. Markaas ayuu go’aamin karaa in aad ka heli kartid magangelyo dalka Austria iyo inkale. Isku diyaari wareysiga. Wakiilkaaga sharciga ayaa ku caawindoona.

Ma jeclaan lahayd in wareysiga kaa qaado qof nin ah? Ma jeclaan lahayd in wareysiga kaa qaado qof dumar ah? Fadlan ka hor u sheeg wakiilkaaga sharciga.

Wareysiga waa mid Qarsoodi ah. Qofna ma sheegi karo waxa aad sheegtay. Ma jirto cid warbixintaadda u gudbineysa wadankii aad ka timidey.

Yaa ka soo qayb galaayo wareysiga?

  • Adiga.
  • Wakiilka Sharciga. Isaga ayaa ku caawinaya. Laakiin looma ogola inuu kuu hadlo.
  • Waraysi qaadaha oo ka socda Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga. Isagaa ka mas’uul ah waraysiga. Waxay ku siin doonaan macluumaad. Waxaad weydiin kartaa wax kasta oo aad u baahato.
  • Saaxiib/ Mid ka mid ah dadka masuulka ka ah daryeelkaaga/Qof aad ku kalsoon tahay. Qof aad ku dareemaysid kalsooni marka uu kula joogo? Qofkaasi wuu ku soo raaci karaa wareysiga. Laakiin isagu kuuma ma hadli karo.
  • Turjumaanka. Hadii aad qofka kuu turjumaya isfahmi weydaa? Fadlan sheeg. Ma jiraan wax dhib ah oo kaa soo gaaraaya.

Hadii aad kalmad ama suáal fahmi weydo, fadlan weydiiso in laguu sharaxo waxa loola jeedo.

Sidan soo socda ayuu u dhici doonaa waraysigu!

  1. Wey isa salaami doonaan dhammaan dadka jooga meesha oo waxay isku sheegi doonaan magacyadooda.
  2. Waxay kuu sharixi doonaa xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga.
    Tusaale: Waxaad xaq u leedahay inaad nasato.
    Tusaale ahaan: Waxaa waajib kugu ah in aad runta u sheegto oo sheegto dhammaan waxaad ogtahay. Haddii aad wax qariso oo aadan xaqiiqada sheegin? Hadii Hay’ada qoxootiga iyo ajaanibku taas ogaato, waxaa dhici karta inaad dhibaatooyin kala kulanto qoxootinimadaadda.
  3. Qofka waraysiga kaa qaadaayaa wuxuu ku wey diin doonaa Su’aalo fudud.
    Tusaale ahaan: Magacaaga? Familigaaga? Waalidiintaada? Iskuulkii aad dhigan jirtay/shaqadaadii? Aqoonsigaaga/”Dokumente”?
  4. Magan-galyadaadda. Sheeg hadda, sababta aad dalkaagga hooyo uga soo tagtay oo aad u dalbatay qoxootiga. Wareysi-qaadaha ayaa ku waydiin doona su’aalo badan: Oo ay ka mid tahay wixii kugu dhacay? Waamaxay sababtaad uga soo tagtay wadankaaga? Iyo waxa ay tahay sababta aanad u noqon karin?

Fadlan ka sheekee dhibkaaga oo dhan. Fadlan uga sheekee tifaf tiran. Tani waxay muhiim u tahay go’aanka codsigaagga magan-gelyo. U sheeg wax kasta oo aad dooneyso. Waxaad haysataa waqti kuugu filan.
Hadii marka hadalka bilowdid waxaad dareemeysaa calool xumo iyo cabsi? Waxaa kugu adkaaneysa inaad ka sheekeyso? Si kastaba ha ahaatee ka sheekee, Waxaad dhihi kartaa way igu adag tahay inaan ka sheekeeyo.
Hadii aadan ogeyn jawaabta? Waxaad dhahdaa “Anigu garan maayo”. Marka aad hubto keliya sheeg. Sidaas ayaana wanaagsan.
Fadlan runta sheeg. Adiga ayaa og sheekadaadda. Oo si fiican u sheegi kara. Ku kalsoonoow xusuustaada.

Waxaa macquul ah in shaqaalha ku weydiiyo su’aalo aad ogtahay. Waxay u badan tahay in aad kaga soo jawaabtay wareysiyo hore. Wareysi qaaduhu wuxuu heysta qoraal. Waa inuu ku weydiiyaa su’aalaha oo dhan. Fadlan mar kale ka jawaab.