Adiga iyo Familigaaga

Sidee baad mar kale ka heli familikaaga?

Haddii aadan ogeen meesha waalidkaaga ama walaalahaa ay joogaan? Amaba qoysakaagu aanu ogayn meesha aad joogto? Xaga Adeegga raadintawaxaa kaa caawinayaa rot kreuzka/ laanqayrta cas.

Waa in aad u qortaa rot kreuzka codsi si ay u raadiyaan familigaaga ama qaraabadaada. Arrintaas waxaa lagu magacaabaa “Codsiga raadinta”. Dein Wakiilkaaga iyo caawiyayaashaada kaa caawin doonaa in aad qortid codsiga raadinta. Codsiga raadinta ee laanqayrta caswaa lacag la’aan.

Xafiska laanqayrta casi wuxuu kuugu dadalayaa inuu familigaaga kula radiyo, marka arin taas waxey u bahan Tahay waqgti badan. Adigana waxaad ku dadaaleysaa in aad weydisid: Dad kale, ama asxaab taada ama dad kale oo isku wadan Tihiin.

Mararka qaarkood hay‘adda laanqayrta casi way guul daraystaa inaad dadkaada hesho. Ama jawaabta waa murugo, marka uu qof dhint ama buka.

Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga waxay doontaa inay ogaato meesha familigaagu joogo. Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga ayaa raadinaya familigaaga. Sharcigu wuxuu dhigayaa in aad caawiso Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga, weydii wakiilkaada. Hadii aanad rabin in la helo qoysakaaga, u sheeg Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga. U sheeg Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga sababta aanad u rabin.

Familigaagu ma iman karaan Austria?

Ma dooneysaa in waalidiintaada laguu keeno? Waxaad xaq u leedahay inaad waalidkaada la noolaato. Tan waxa loo yaqaanaa “midaynta familigaaga”. Waxaa jira shuruudo badan. Tusaale ahaan: Waxaad ka yar tahay da’daa 18 markii aad codsatay isu-keenista familiga. Waxaad heystaa magangelyo ama 3 sano ee Shariga bani aadantinimada “fiiso” ee Austria.

Waad samaysay codsigaagi magangalyada, waxaad noqon doontaa 18 sano jir kadibna waxaad heshsy go’aan wanaagsan? Kadibna waxaad la xidhiidhi laanqayrta cas (Rotes Kreuz), waxaad ka heli doontaa maclumaad dheeri ah.

Midaynta familigaaga waa arin adag, oo waxay qaadan kartaa waqti dheer. Familigaagu waa inay codsi u gudbiyaan Safaaradda dalka Austria. Fadlan ka dalbo caawinaad wakiilkaaga ama caawiyahaaga inta lagu guda jiro midaynta familigaaga, way ku caawin doonaan.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan isu keenidda qoyska halkan: http://meinefamilie.roteskreuz.at/minderjaehrige/so/.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Baafinta qoyska (Suchdienst) halkan: https://www.roteskreuz.at/migration-suchdienst/suchdienst.
Halkan waxa aad ka arki kartaa cida aad raadineyso. Qaad sawir aad kula jirtid Familigaaga Raadi: https://familylinks.icrc.org/europe/so/.