Waayo-aragga

La Taliye sharci, Wakiil sharci

Hadii aad tahay qof ka yar 18 sano? Waxaad caawinaad ka heli kartaa waayo-aragga.

Waayo-aragga waxaa loo yaqaanaa “La Taliye sharciga”. Lacag la’aan ayuu kuugu shaqeeynayaa. Waxa uu kuu wehelinayaa arrimaha xaga baritaanka kiiska qoxootiga. Weydii halka ay kaga yaallaan xarumohooda ama xafisyadooda xerada Traiskirchen. Weydii halkaas la taliyayaasha sharciga iyo weliba waqtiyada iyo maalmaha ay shaqeeyaan?

Waayo-aragg kale ayaa ka dib ku caawin doona. Waxaad haysataa “wakiil sharci ah” gudaha Austria. Wakiilkaaga wuxuu hubinyaa in xuquuqdaada magangelyadu la ixtiraamay.

Carruur badan iyo dadka dhallinyarada ah waxay ugu yeeraan La Taliye sharciga iyo wakiika sharciga ah “lawyer”.

Caruur kasta waxay leeyihiin “masuul sharci” ah. Masuul sharci ayaa kaa caawinayaa in aad hesho:

  • Deegaanka/Guriga
  • Iskoolka
  • Caafimaadka

Waxaad weydiin kartaa su’aal kasta waayo-aragga. Wayna kaaga jawaabayaan.
Waxaad haysataa waqti kuugu filan, habka weydii sidii aad ula xiriiri lahayd Masuuliyinta. Weydiiso lambarada telefoonadooda. Wac Masuuliyinta.