Nidaamka Dublin

Ma wadanka Austria ayaa codsigaaga magangelyo la wareegay?

Baaritaankan waxaa la yidhaahdaa Ogolaanshaha baadhitaanka codsiga qoxootinimo/”Zulassungsverfahren”. Waxaa jira sharci la yidhaahdo nidaamka Dublin. Sharcigaas wuxuu ogolaanayaa in Ilmaha iyo dhallinyarada da’da yar familigooda iyo Qaraabadooda la noolaadaan.

Hooyadaa, aabbahaa, walaashaa, walaalkaa, aayadaa ama habaryartaa iyo adeerkaa miyaa ku nool dawlad ka tirsan Yurub? Fadlan u sheeg wakiilkaaga iyo Xafiiska Maxkamda Hay’ada quxutiga.

Halkay ku noolyihiin Familigaaga/Qaraabadaada? Adeegga Maxkamda Hay’ada quxutiga waxay kuu weydiin doonaan dawladas si ay mas’uul uga noqdaan magangalyo doonkaaga.

Dadka waaweyn waxay leeyihiin sharciyo kale. Dadka ka weyn da’da 18 sano waa dad waaweyn. Hadda waxaad joogtaa Austria. Haddii aad ku soo nooleeyd Wadan kale oo ka mid ah Wadamada Yurub? Waxaa suura gal ah in aad dib ugu noqotid Wadankaasi.