Soo dhowaada!

Imika waxaad Joogtaa wadanka Austeria.

Waxaan rajaynaynaa in aad caafimaad iyo nabad kutimid.

Macluumaadkani wuxuu kuu sharaxayaa, habka Maganganlyo ee wadanka Austeria.

Macluumaadkani wuxuu kuu sharaxayaa xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga. Si fiican u ogow arrimaha ku saabsan magangelyada. Waa inaad fahantaa sharciga Magangalyadu sida uu u shaqeeyo.

Macluumaadkan adiga ayaanu kuugu talogalney. Waxaanu nahay koox waayo-aragnimo u leh dhalinyarada magangalyo doonka ah. Macluumaadkanna si’wadajir ah ayaanu u qorney.

Österreich-Karte

Austria

Austria waa wadan kamid ah Yurub. Austria waxay katirsantahay Midowga Yurub. Midowga Yurub wuxuu ka kooban yahay 28 wadan, oo ay ku jiraan, Garmalka, Faransiiska, Hangari iyo Giriiga. Caasimada Austria waa Fiyena/”Wien”.

Austria waxay ilaalisaa xuquuqda caruurta iyo dhalinta da’da yar. Xuquuqdaada waxa ilaalinaya Booliiska.
Halkan waxaad ku tahay Ammaan.
Haddii ay kula soo deristo cabsi? Ama ay jirto cid ku handado?
Fadlan lahadal Booliiska.

Dhibaato? Su aalo?

Ma u baahan tahay macluumaad dheeraad ah? Ma fahmeysid miyaa nidaadmka magangalyo? Magangalyadaadu sikale ma u qorantahay marka la barbar dhigo tan halkan ku qoran? Taasi waxay noqon kartaa.

Fadlan la hadal qof aad ku kalsoon tahay. Sida la taliyahaaga sharciga, Ama qofka masuulka kaa ah, ama qof ka shaqeeya hay’adaha gargaarka. Waxaad leedahay xuquuq. Xuquuqdaas waa in aad ogaataa. Waxaad heli karta cawinad. Caawimo ayaad helaysaa. Si aad wax badan oo ku saabsan la-taliye sharci ama wakil sharci. Fadlan ka eeg bogga waayo-aragga / “Deine Experten”.