Basaaboorka iyo Fiisaha

Waraysigii waa ku dhamaaday. Hadda waa in Hay’ada ajaanibka iyo quxutiga ay shaqeeyaan. Fadlan samir. Waxay qaadan doontaa toddobaadyo ama bilooyin, kadibna waxaad heli doontaa go’aanka. Waqtiga sugitaanka ayaa ku adag carruurta iyo dhallinyarada.

Maxaad sameyn kartaa?

  • La hadlal dadka daryeelkaaga ka mas’uulka ah. La kulan saaxiibadaa, ka wada sheekeeysta xaaladaada.
  • Samee wax ku farxad galiya.
  • Waqtiga ka faaiideyso, tusaale ahaan luqadda dhajka ah baro.
  • Iskuulka aad ama iskuulada xirfadaha lagu barto raadi.

Hay’ada ajaanibka iyo quxutiga waa inay raacdo xeerar sharciyo badan. Sharciga ugu muhiimsan waxa loo yaqaan “Geneva Convention”. Magangalyo waxaa la siinayaa dadka aan Amaan dalkooda ku haysan ee wadamadooda dhibaato loogu gaystan aan helina wax caawimaad ah.
Tusaale ahaan: Carruurta iyo dhallinyarada waxaa loo geystaa dhibaatooyin badan sababo la xiriira xaga diinta.
Tusaale ahaan: Caruurta la qasbo in ay hubka qaataan oo ay dagaalada ka qeyb qaataan.
Tusaale ahaan: Gabdhaha lagu qasbo inay guursadaan.
Tusaale ahaan: Naafeynta xubinta taranka ama in la gudo.

Haddii aad dooneysid inaad wax ka ogaato “Geneva Convention” ee arimaha qaxootiga? Waxaad weydiin kartaa la taliyahaada xaga sharciga.

Go’aanka ay kaa gaadhay Hay’ada ajaanibka iyo quxutiga wakiilkaaga ayaa boost loogu soo dirayaa. Jawaabtu waa in laguu ogolaadey qoxootinimo ama laguu diidey. Taasi waxa ku sharaxii doonaa wakiilkaada sharciga.

Miyaad heshay go’aanka ah ogolaasho?

Magangelyo

Qaar ka mid ah carruurta iyo dhallinyaradu waxay u yaaqaanaan “Magangalyo weyn” ama helid “baasaboor”.

Austria waxay ku siisay magangelyo.

Magangalyo micnaheedu waa:

  • Waxaa laguu ogolaaday inaad Austria ku noolaato.
  • Waxaa lagu siin doonaa ogolaanshaha joogitaanka ee Austria muddo 3 sano ah 3 sano ka dib haddii weli dalkaada hooyo ay ka sii jiraan cid ku sii handadeeysa? Markaa ka dib waxaa lagu siin doonaaka joogitaan aan xad lahayn.
  • Waxaa lagu ogol yahay inaad shaqeysa tid.
  • Haddii aad ka yar Tahay 18 Sano waxaad u dacwoon kartaa Waalidiintaada.
  • Waxaad heli kartaa “Baasaboorka Positivka” ah waadna ku safri kartaa Baasboorkaas.

Sharciga bani aadantinimada

Qaar ka mid ah carruurta iyo dhallinyarada waxay ugu yeedhaan “magangalyada yar” ama “fiiso” ama “Faqrada 8”.

Sharcigan bani aadantinimada ah waxaa la siiyaa dadka wadamadoodda aan amaan ku haysan.
Tusaale ahaan: Wadamo ay ka jiraan dagaallo sokeeye, iyo dil. Tusaale kale: Dhalinyaro iyo caruur qaba cudurro halis ah, laakiin wadamadooda kama heli karaan ama kamaba jiro daryeel caafimaad iyo dawooyin.

Sharicga bani aadantinimada micnihiisu waa:

  • Waxaad xaq u leedahay in aad degganaato Austria. Wuxuu ku egyahay oo keliya muddo 1 sano ah. Waana lagu kordhin karaa. Wakiilkaaga waa inuu soo gudbiyaan codsiga. Fadlan weydii wakiilaga.
  • Haddii aad tahay 18 sano, adiga ayaa iskaada u soo gudbin kara codsiga. Waa in aad soo gudbisaa codsiga ka hor dhamaadka waqtiga xaqa ee joogitaanka. Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo 2 sano oo degenaan ah.
  • Waxaad laguu ogol yahay in aad shaqeyso.
  • Haddii Xuquuqdaada joogitaanka la kordhiyo oo laga dhigo 3 sano, oo aad ka yar tahay 18 sano waxaa awooda in aad keentid waalidiintaada.
  • Waxaa heli kartaa basaboor loo yaqaano “Fremdenpass”. Waadna ku dhoofi ama safri kartaa.

Haddii aad dooneysid sharciga qaxotinmada? Fadlan lahadal qofka mas’uulka kaa ah. Qofka masuulka kaaga ah sharcigu waa inuu cabasho u qoraa Maxakamada racfaanka ee loo yaqaano “Bundesverwaltungsgericht”. Waxaad haysataa oo kaliya afar usbuuc inaad cabashadaadda ku gudbiso. Laakiin waad haysanaysaa sharcigaaga bani aadantinimada ah oo lagaalama noqon doono.