Go’aanka diidmada ah

Go’aanka lagaa gaaray waa diidmo. Ma heli kartid magangelyo.

Haddii aad u malaynaysid in go’aanka Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga uu yahay mid aan xaq ahayn? Adiga iyo wakiilkaaga sharciga waxaad u-qori kartaan Maxkamada rafacaanka cabasho. Wakiilka sharciga ah ayaa kuu sharixi doonaa wax kasta, isaga ayaana ku caawini doona.

Waxaad haysataa oo keliya muddo 4 Usbuuc ah si’aad cabashadaada u gudbiso.

Tani waa shaqada Maxkamadda racfaanka

Maxkamada racfaanka aya eegi doonta kiiskaaga mar kale. Waxaa laga yaabaa in mar kale Maxkamada racfaanka kula yeelato waraysi. Ballanta waxaa loo yaqaannaa “Gorgortanka”. Wuxuu la mid yahay waraysigii ay Hay’ada ajaanibka iyo qoxootigu kaa qaaday oo kale. Xaakin ka socda Maxkamada racfaanka ayaa eegi doona kiiskaaga mar kale.

Maxkamada racfaanka waxay u baahan tahay waqti si uu mar kale looga shaqeeyo kiiskaaga. Fadlan sabir, waxay qaadan kartaa waqti.

Go’aano noocee ah ayaa jira?

  • Hadii ay Maxkamada racfaanka go’aansato in Hay’ada ajaanibka iyo qoxootigu ay markale kula yeeshaan waraysi si’ay sifiican ugu hubiyaan. Go’aan cusub ayaad ka heli doontaa Hay’ada ajaanibka iyo qoxootiga.
  • Hadiis Maxkamada racfaanka go’aansato in go’aanka Hay’ada ajaanibka iyo qooxootigu khalad ahaa. Waxaa lagu siin doonaa sharciga Magangelyo ama bini’aadanimtinimo ama xuquuqda inaad joogi kartid ama xuquuqda dhibanayaasha ka ganacsiga dadka.
  • Hadii Maxkamada racfaanku go’aansato in go’aanka Hay’ada ajaanibka iyo qoxootigu sax ahaa kiiskaada qaxootinimmo ee wadanka Austria halkaas ayuu ku xirmay.

Go’aanka diidmada ee Maxkamada racfaanka?

Cabasho

Kala hadal wakiilkaaga sharciga mararka qaarkood dacwad Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamada racfaanka wuxuu noqdaa wax laga dacwoon karo. Wayse adag tahay, xeerarku waa kuwo aad u adag. Waa inuu ku caawiyaa Qareen. Qareenku wuxuu haystaa waqti 6 Usbuuc ah si uu u qoro cabashadaada.

Wadankaagga in aad ugu laabato si’aan qasab ahayn

Waxa laga yaabaa in aad dooneysid in aad ku laabato wadankaagga hooyo. Waa go’aan weyn. Kala hadal wakiilkaaga. Waad noqon karta haddii u wakiilkaagu ogolaado sababta oo ah way kuu fiicantahay noqoshada.

Haddii aad ku laabaneysid wadankaadii hooyo Waxaad ka heli kartaa caawimaad. Hay’ado ayaa kaa caawinaya safarka. Waxa kale oo ay kugu caawinayaan dalkaaga hooyo. Halkaan waxaad ka heleysaa cinwaanada hay’adaha gargaarka iyo maamulka Austria.

Waa maxay Xabsi Tarxiilka? Waa maxaay “Gelinderes Mittel”?

Xabsi Tarxiil macnaheedu waa in lagu xidho. Xabsi tarxiilka waxaa loogu talagalay dadka in ay Austria ka tagaan larabo. Ha cabsan. Sida caadiga ah kuma qasbana carruurta iyo dhallinyarada si ay u tagaan xabsiga tarxiilka. Haddii lagu geliyo xabsiga tarxiilka? Fadlan si deg deg ah ula xiriir wakiilkaaga. Sidaas ayaad ku sameyn kartaa cabasho.

“Gelinderes Mittel” micnaheedo waa: kuma qasbanid inaad ku jirtid xabsiga tarxiilka. “Gelinderes Mittel” macnaheedu waa: In aad si joogto ah isaga xaadiriso Booliiska.