Da’daada

Da’daada waa muhiim Austria gudaheedda. Dadka da’doodu ka weyn tahay 18 sano waxaa yahiin “dadka waaweyn”. Carruurta iyo dhallinyarada waa “waa dad aan qaan gaarin”. Carruurta iyo dhallinyarada waxaa loola dhaqmi doonaa si’ ka duwan sida dadka loo la dhaqmo. Fadlan runta ka sheeg da’daada.

Qaar ka mid ah carruurta iyo dhallinyarada ma haystaan wax cadeyn ah oo da’dooda ku saabsan, waxaa lagu sameynayaa “baaritaan da’dooda”.

Baaritaan da’dooda waxaa loola jeedaa: Dhakhtarka ayaa sameynaya baaritaan caafimaad si loo ogaado Da’da. Dhudhun iyo ilkaha ayaa raajo ama X-ray la saarayaa, iyo baadhitaano guud oo xaga jirka ah.

Hadii aadan doonaynin in aad isaga saartid dharka dhakhtarka hortiisa? Si kastaba ha ahaatee, fadlan tag ballanta, una sheeg in aadan dooneynin anaad dharka iska saarto. Ma jirto wax dhib ah oo kaa soo gaaraayo.

Natiijo?

Dhakhtarka aya natiijada oo ku sabsan baritanka usoo sheegayaa Maxkamda Hay’ada qoxootiga.

Maxkamda Hay’ada qoxootiga ayaa kuu sheegayaa haddii aad tahay “qof aan qaan gaarin” (ka yar 18 sano), ama “qof weyn” (in ka badan 18 sano) maamulk Austria Qaabkaas buu u go’aaminayaa da’daada.

Haddii aad tahay qof weyn (ka weyn 18 sano), waxaa laguula dhaqmi doonaa si ka duwan. Waxaad ku noolaaneysaa guryaha loogu talagalay dadka waaweyn. Waxaa laga yaabaa in laguu celiyo wadan kale ee Yurub (warbixin ku saabsan nidaamka Dublin).

Waxaa laga yaabaa in da’daada khaldan tahay. Sida ugu dhakhsaha badan ee aad u hesho go’aanka ugu horeeya, ee nidaamka magangalyada, waxaad dhihi kartaa “maya” ma jiro da’daas oo cabasho gudbi.